Faragelinta Shiddada iyo La-Tallinta

Miyaad ku sugan tahay xariir ku dhisan xumaan ama dagaal?

Miyaad ku sugan tahay xariir ku dhisan xumaan ama dagaal?

Waxaa dhici karto in aad weli rajo ka qabtid in waxyaabaha isbaddali doonaan ama in aad cabsi ka qabtid waxa iskaashiga uu samayn doono haddii uu ogaado in aad iskudayeysid in aan meesha ka baxdid. Wax kasta ay ahadaan asbaabtaada, waxay u badan tahay in aad dareentid in aad ku soo dhacday dabbin iyo tabar darri. Waan ogsoonahay in aysan sahlaneen. Hase ahatee waxaa la heli karaa kaalmo. Gumaarka dagaalka guriga iyo ku xadgudubka waa qoto dheer yahiin. Xanuunka kaa soo gaara waxa aad soo martay wuu kula joogi doonaa muddo dheer kaddib marka aad ka baxsatid xaaladda ku xadgudubka. Kooxaha la-tallinta, daweynta, iyo taageerada la siiyo dadka ka badbaada ku xadgudubka guriga waxay kugu kaalmeyn karaan in aad ogaatid sida loo dhiso xariir cusub oo caafimaad qaba.

 

Waxaa jira ilo badan aad heli kartid, sida khadadka shiddada, hooyga – xattaa tababarka shaqada, adeegyada sharciga, iyo xanaanada cunugga. Waxaad xaq u leedahay in aan ku noolaato CABSI LA’AAN iyo/ama DAGAAL LA’AAN. Ku bilow in aad la xariirtid.

Halkaan waxaa ka heli doontaa adeegyada iyo brograamyada aan bixino:

  • Faragelinta Shiddada
  • La-tallinta muddada gaaban
  • La-tallinta Daweynta
  • Kooxaha Taageerada Dumarka
  • Caruurta marqaatiga ka noqota brograamka dagaalka.
  • Guriyeynta iyo brograamka taageerada ku meelgaarka
  • Macluumaadka iyo tixraacinta
  • U doodidda iyo kliinikadaha sharciga
  • Emergency
  • Help for Women
  • Help for Children

Adeegyada Dumarka Soo Haajiray ee Ottawa
219 Argyle Avenue, Suite 400
Ottawa, Ontario
K2P 2H4
Telefoon: 613-729-3145
Faks: 613-729-9308