immigrant and refugee women served, 2017-2018
hours of crisis intervention, 2017-2018
Hours of direct services, 2017-2018
IWSO waxaa la aasaasay 1988 si loola kulmo baahida muhaajiriinta iyo dumarka laga tirada badan yahay ee la aski karo kuwaaso ahaa dhibaneyaal loo geystay ku xadgudub. Horaantii waxaa lagu magacaabay Dumarka Laga Tirada Badan Yahay lana Arki Karo ee ka soo Horjeeda ku Xadgudubka (Visible Minority Women Against Abuse) (IVMWAA). Sannadkii 1989, waxaan bixinay taageerada shiddada midaysan iyo adeegyada tarjamada aan ku bixinay saddax luqad: Isbanish, Carabi, iyo Ingiriisi
Shirkii Guud ee la qabtay 2002, waxaa la baddalay magaca Dumarka Dadka Laga Tirada Badan Yahay ee soo Haajiray Lana Arki Karo ee ka soo Horjeeda Xumaanta, waxaana loo baddalay Adeegyada Dumarka Soo Haajiray ee Ottawa (Immigrant Women Services Ottawa). Magaca cusub wuxuu muraayad u yahay heerka balaaran ee IWSO gudaha bulshada iyo adeegyada balaaran ee la siiyo dadka ku cusub Ottawa. Maanta, wakaaladda waxay adeegyada la-tallinta iyo taageerada la siiyo dumarka iyo qoysaskooda ku bixisaa 60 luqad iyo afafka yaryar.
IWSO waa sii weynaatay waxayna ku dartay adeegyo iyo brograamyo kale, sida Adeegyada Heshiiska iyo Mideynta (Settlement and Integration Services) (sida kullamada shaqo raadinta iyo tababarka kombuyutarka) iyo adeegga la siiyo caruurta daawata dagaalka. IWSO waa ilo muhiim ah oo loogu talogalay wakaaladaha kale adeegga. Waxay qiimeyaan tababarka la socoshadena hiddaha ee loogu talogalay shaqaalaha bulshada iyo fursadda lagu helo turjubaanadena tababarka luqadda ee la heli karo si ay shaqadena ugu kaalmeyaan dadka ku cusub Ottawa.
Adeegyada Dumarka Muhaajiriinta Ottawa (Immigrant Women Services Ottawa) (IWSO) waxay u jirtaa in ay dumarka soo haajiray ee xagjirka ah iyo qoysaskooda ku sugan Magaalada Ottawa iyo deegaanka ku wareegsan siiso taageerada iyo qalabka ay ku gaaraan awoodooda buuxda bacdamaa ay yahiin xubnaha bulshada Canada iyo ka qeybgalaan burburinta dhamaan noocyada ku xadgudubka ka soo horjeedo dumarka iyo caruurta.
l as members of Canadian society and participate in the elimination of all forms of abuse against women and children.
Ciribtirka dhamaan qaababka ku xad gudubka ka soo horjeedo dumarka iyo caruurta iyo gaarista sinaanta bulshada iyo dhaqaalaha ee la siiyo dumarka soo haajiray iyo fogaaday.
Si loo xoojiyo dumarka muhaajiriinta iyo kuwa xag jirka ee Magaalada Ottawa in ay ka qeybgalaan burburinta dhamaan qaababka ku xadgudubka ka soo horjeedo dumarka.
Si loo bixiyo adeegga la-tallinta shiddada hiddaha iyo adeegga tarjamada luqadda ee fududeyn doonto sida dumarka lagu xadgudbay ula xariirto adeegyada bulshada iyo tan dadweynaha.
Si loo bixiyo adeegyo iyo/ama brograamyo kale oo kaalmeyn doono dumarka muhaajiriinta safarka ay ku jiraan si ay u helaan awoodooda buuxda.
IWSO waa urur aan fa’iido raadinin oo ka hawlgala Magaalada Ottawa. Nambarka diiwaangelinta sadaqada waa 131976581RR0001. Xubnaha IWSO waxay Shirka Guud Sannadka ku doorteen 15-xubin oo ka tirsan Guddiga Agaasimeyaasha. Guudiga wuxuu bixiyaa dilmaamaha siyaasadda iyo adeegga. Hawlgalada maalinba-maalin waxaa maamula Agaasimaha Fullinta (Executive Director) iyagoo kaashada koox ka mid ah shaqaalaha iyo kuwo ku shaqeeyo iskaa wax u qabso.
IWSO waxaan aaminsanahay in:
Hoosta caqiidooyinka, waxyaabaha qaayaha noo leh waxay sifeyaan cidda aan nahay iyo waxaan nufuud ku leenahay sida aan u shaqeyno urur ahaan.
Xisaabtanka: Waxaan qaadanaa mas’uuliyadda go’aanka wakaaladda qaadato heer kasta.
Kala duwanaanta: Waxaan xil iska saarnay shaqaale kala duwan iyo waxaan hubsanaa in kala duwanaantena la qiimeeyo lana xushmeeyo.
Heerka Sare: Waxaan ku dadaalnaa in aan fullino dhaqamada fiican ee la xariira adeegyadena, brograamyadena, iyo dhamaan hawlahena.
Hoggaanimo: Waxaan ka shaqeynaa in aan nufuud ku yeelano siyaasadda dadweynaha iyo in aan bulshada la qeybsano kaalinta muhiimka ah ee dumarka soo haajiray si qaab loogu sameeyo bulshadena.
Xoojinta: Waxaan bixinaa taageerada iyo qalabka si loo suurtogeliyo koriimada iyo waxbarashada inta qofka nool yahay ee dumarka soo haajiray.
IWSO waxay taageerada maaliyadda ka qaadataa wakaaladaha maaliyadda. La’aanta taageeradaan, shaqadena ma suurtogeli lahayn.
Xubinimada waxay u furan tahay dhamaan dumarka taageera ujeedooyinka IWSO oo dhamaystira iyo saxiixa foomka xubinimada. Xubinimada laguma wareejin karo qof kale.
Fadlan soo dagso iyo buuxi Foomka Xubinimada (Membership-Form) kaddibna ku soo celi email adiga oo u soo dira infomail@iwso.ca
Haddii kale, waxaad Xubinimada ka dalban halkaan Internetka.
Waxaan u mahad celineynaa naxariista kuwa taageeray shaqadena 27 sanno ee la soo dhaafay, saddaqadiina iyo waqtiga aad geliseen, ha ahaato awoodda socoto ama munaasabadda ama hawsha socota. Waxaa ka mid ah balse kuma eka kuwa soo socdo:
Marka la kaashado shaqaale kala duwan iyo brograamyo kala duwan, adeegyada iyo hawlaha, IWSO waxay kaalmeysay dumar badan oo soo haajiray iyo caruurtooda si isbaddal wanaagsan loogu abuuro noloshooda. Waxaan ku faraxsanahay in aan adiga kula qeybsano Warbixinta Sannadka.
Warbixinta Sannadka 2024 – 2025
Warbixinta Sannadka 2023 – 2024
Warbixinta Sannadka 2022 – 2023
Warbixinta Sannadka 2021 – 2022
Warbixinta Sannadka 2020 – 2021
Warbixinta Sannadka 2019 – 2020
Warbixinta Sannadka 2018 – 2019
Warbixinta Sannadka 2017 – 2018
Warbixinta Sannadka 2016 – 2017
Warbixinta Sannadka 2015 – 2016
Warbixinta Sannadka 2014 – 2015
Adeegyada Dumarka Soo Haajiray ee Ottawa
219 Argyle Avenue, Suite 400
Ottawa, Ontario
K2P 2H4
Telefoon: 613-729-3145
Faks: 613-729-9308
Annual Report 2022 – 2023
Annual Report 2020 – 2021
Annual Report 2019 – 2020
Annual Report 2018 – 2019
Annual Report 2017 – 2018
Annual Report 2016 – 2017
Annual Report 2015 – 2016
Annual Report 2014 – 2015